Man charged with criminal vehicular homicide in cyclist's death

Tuesday, July 23, 2013

Somali version

Abdirahman Abdi Ali oo degan magaalada Minneapolis ayaa waxaa lagu eedeyey in 9ka bisha Luulyo uu galey labo fal  denbiyeed oo kala ah dil lagu geystey gaari, iyo ka carar goobta falka ka dhacey kadib markii uu gaariga ku dhuftey kuna diley haweeney dhalinyaro ah oo wadatey baaskiil, ayaa waxaa soo bandhigay, Mike Freeman oo ah Xeer Ilaaliyaha Degmada Hennepin.

Maalin kadib, Ali oo jira 25 sano, ayaa markii ugu horeesey hor yimid maxkamadda oo damaanad loogu dejiyey $50,000 oo shuruuda la’aan ah ama $10,000 oo lagu xeray shuruudo oo ka mid ah, inuusan ku xad gudbin ruqsada wadidda gaariga iyo inuusan isticmaalin daroogo iyo khamro. Waxuu isku furtay $10,000 curaar (bond) ah, waxaana la sii daayey 11ka Luulyo. Waxaa loo qabtey inuu markale maxkamad soo horyimaado Agoosto 15keeda.

“Waxaan na soo maray tiro dhowr shilal oo ah gaari iyo baaskiil ama gaari iyo qof jidka socda, labadii sano ee ina soo dhaaftey, waxaana ula dhaqannay si isku wada mid ah,” ayaa waxuu yiri Freeman. “Waxaa muhiim ah iney darawaliinta fahmaan iney tahay iney u hogaansamaan sharciga gawaarida iyo markii ay qof ku dhacaan ha wadataan gaari yar ma mid xamuul, waa khasab iney istaagaan oo cawiyaan qofka dhibanaha.”

Qoraalka eedeynta uu xareeyey xafiiska Xeer Ilaaliyaha Degmada ayaa ku qoran in dhibane, Jessica Hanson ay ku socotey baaskiilkeeda waqti mugdi ah 3da bisha Luulyo. Iyadoo mareysa is-goyska Pleasant Avenue South iyo West 28th Street ayeey soo sheegeen marqaatiyaal inuu ku yimid gaari ku socda xawaare xoogan oo nalkiisa dansanaa, gaarigaas oo seegay inuu dhowro calaamda joogsiga ee is-goyska kadibna ku dhacey Hanson.

Ali ma uusan u istaagin inuu caawiyo haweeneyda wuuna ka cararey goobta, sida ku qoran dacwada dembiga. Hanson dhaawac xoogan ayaa soo gaarey oo keenay iney lama maalmood kadib ku geeriyooto Xarunta Isbitaalka DegmadaHennepin.

Marqaati arkey shilka ayaa booliiska siiyey lambarka taargada gaariga. Booliska ayaa tagey cinwaanka diiwaanka ku jira ee gaariga kadibna u sheegatay gabar la dhalatey Ali in gaari baluug oo Toyota Camry taargadaas leh leeyihiin oo walaalkeed watey, sida ku qoran dacwadda.

Saacaada 7:30 p.m. ee 5ta Luulyo ayuu Ali soo wacey booliiska una sheegay inuu isdhiibayo. Waxuu booliska u sheegay inuu gaariga qof kula dhacey wadada Pleasant Avenue, balse uusan garaneynin wax ama qof, sababtoo ah, dadka kale ayaa rasaaseynayey oo uu ka cararey, sida dacwadda sheegeyso.

Haddii uu Ali qiranin denbigan, waxaa la qaban doonaa balan maxkamad bilowga sanadka cusub, markaasoo ey garsoorayaasha dadweynaha go’aamin doonaan inuu denbiga leeyahay ama denbi la’aan yahay.

English version

Abdirahman Abdi Ali of Minneapolis was charged on July 9 with two counts of criminal vehicular homicide, including leaving the scene of an accident, after striking and killing a young woman riding her bicycle, Hennepin County Attorney Mike Freeman announced.

The following day Ali, 25, made his first court appearance and bail was set at $50,000 without any conditions and only $10,000 if he followed certain conditions including no violations of his driver’s license and not using drugs or alcohol. He posted the $10,000 bond and was released on July 11. His next court appearance is Aug. 15.

“We have had a number of these car-bicycle and car-pedestrian cases over the past two years and we have treated them pretty much the same,” Freeman said. “It’s important that drivers understand that they must obey the traffic laws and if they do strike someone with their car or truck, they absolutely must stop and help the victim.”

According to the criminal complaint filed by the county attorney’s office, the victim, Jessica Hanson, was riding her bicycle after dark on July 3. She was at the intersection of Pleasant Avenue South and West 28th Street when witnesses reported that a car that was speeding and did not have its lights on failed to stop at the intersection and collided with Hanson.

Ali did not stop to help her but sped away, the criminal complaint states. Hanson was seriously injured and died at the Hennepin County Medical Center two days later.

A witness to the accident gave police the license plate number to the car. Police went to the address registered for the car and his sister acknowledged they had a blue Toyota Camry with that license number and her brother currently was using it, according to the criminal complaint.

At 7:30 p.m. on July 5, Ali called police and said he would turn himself in. He told police he had hit someone on Pleasant Avenue, but he didn’t know what or who because someone was shooting at him and he kept going, the complaint states.

Unless Ali pleads guilty, a court date will be set, probably for early next year, and a jury will decide whether he is guilty or innocent of the charges.