Man charged in fatal shooting at South Minneapolis business

Friday,

Guji halkan si aad u akhriso war saxaafadeedka oo ku qoran Af Soomaalia

A Minneapolis man has been charged in a fatal shooting at a business in South Minneapolis, the Hennepin County Attorney’s Office announced Friday.

Marlow Carson, 30, was charged with intentional second-degree murder and attempted first-degree aggravated robbery for shooting and killing an adult male victim A.M. Carson was also charged with felon in possession as he was prohibited from carrying a firearm or ammunition due to a previous felony conviction.

Carson will make his first court appearance April 30 at 1:30 p.m.

According to the criminal complaint, on April 27, Minneapolis police were sent to a business at 409 Cedar Ave. S. on the report of a robbery and shooting. When they arrived, police found A.M. lying on the ground behind a counter in the store, having suffered from multiple gunshot wounds.

The victim was taken to the hospital where he was later pronounced dead due to complications from gunshot injuries. The medical examiner found A.M. had been shot six times.

The business owner, H.S. told police that A.M. was a friend, and was hanging out at the store when Carson came in. Carson walked up to H.S. who was behind the store counter, pointed a gun at him, and demanded money. At the time, both A.M. and H.S. were behind the counter, and as H.S. complied with Carson, A.M. attempted to lock the inner door to ensure Carson could not get behind the counter, the complaint says.

Carson noticed A.M. trying to lock the door, and proceeded to shoot him multiple times. Carson then fled from the business in a black Chevy Impala.

Investigators spoke with several witnesses at the store during the shooting and robbery, and told them Carson left in a dark colored vehicle. Carson also shared a Facebook Live video following the incident in which he is seen pointing a black handgun at the camera, the complaint continues.

On April 28, officers were able to track the suspected vehicle in St. Paul, and found Carson getting into the vehicle and driving off. Police followed him and conducted a traffic stop on the vehicle, and found Carson was the only person inside. Upon his arrest, Carson admitted to having a handgun on him, which was found by police in the front pocket of his hoodie, the complaint states.

Carson was also wearing the same clothing he had on during the shooting and robbery.

In a post-Miranda statement, Carson admitted that the gun was his, but denied being involved in the incident. Investigators informed him the shooting and robbery was captured on video, and Carson asked to see proof, for which they showed him stills from surveillance footage, the complaint says. Carson then admitted to being involved.

Five discharged casings were found at the scene of the incident, and forensic analysis on the casings and Carson’s handgun matched.

Carson has been convicted on two previous occasions: July 10, 2010 for first-degree aggravated robbery, and Jan. 25, 2015 for third-degree drug sale.

Criminal Complaint (PDF)

-----

Nin reer Minneapolis ah ayaa lagu soo eedeeyey dil toogasho oo bareer ah oo ka dhacay goob ganacsi oo ku taal Koonfurta Minneapolis, sidaas waxaa ku dhawaaqay Xafiiska Xeer Ilaalinta ee Degmada Hennepin.

Marlow Carson, 30 jir ah, ayaa lagu eedeeyey dil bareer ah oo darajada labaad ah iyo burcadnimo hubeysan ka dib markii uu toogtay oo dilay  dhibane qof weyn ah oo lagu magacaabo A.M. Carson waxa kale oo lagu soo eedeeyey fal dambiyeed culus oo ah heysasho hub sharci daro ah ka dib markii horay looga mamnuucay heysashada hubka iyo rasaasta oo ay ugu wacan tahay dambi culus oo horay loogu helay.

Carson waxaa maxkamadda la hor geynayaa 30ka Abriil 1:30 duhurnimo.

Sida lagu xusay qoraalka maxkamadda, 27kii Abriil, ayaa ciidanka booliska ee Minneapolis loo diray goob ganacsi oo ku taala 409 Cedar Ave. S halkaas oo laga sheegay burcadnimo hubeysan iyo toogasho ka dhacday. Markii ay halkaas soo gaareen, waxa ay booliisku arkeen A.M. Oo yaala dhulka ka dambeeya miiska dukaanka, kaasoo dhawac ka soo gaaray rasaas lala beegsaday.   

Dhibanaha waxaa loo qaaday isbitaalka halkaas oo markii dambe uu ku geeriyooday dhaawaca ka soo gaaray rasaasta.  Dhakhtarka baara meydka ayaa ogaaday in A.M. la toogtay lix jeer.

Mulkiilaha ganacsiga, H.S. Ayaa ciidanka booliska u sheegay in A.M. uu yahay qof ay saaxiib yihiin oo la joogay markii uu Carson soo galay. Carson waxa uu soo abaaray H.S. oo ka dambeeyey khasnadda,qoriga ku soo beegay, oo weydiistay lacag.     Xilligaas, A.M. iyo H.S. waxa ay labaduba ka dambeeyeen miiska khasnadda, H.S. waxa uu u hogaansamay amarka Carson, A.M. ayaa isku dayey inuu gudaha ka xiro albaabka si aanu Carson uga bixin miiska khasnadda ka dambeeya, sida lagu sheegay qoraalka dacwadda.        

Carson waxa uu arkay A.M oo isku dayaya inuu xiro albaabka, waxaana uu toogtay dhawr jeer.   Carson waxa uu kaga baxsaday goobta ganacsiga gaari madow oo Chevy Impala ah.   

Dambi baarayaashu waxa ay la hadleen goob joogayaal ku sugnaa dukaanka markii ay burcadnimada hubeysan iyo toogashadu ka dhacday, kuwaas oo u sheegay in Carson ku baxsaday gaari midabkiisu madow yahay.   Carson waxa kale oo kula wadaagay barta Facebook tabin toos ah oo dhacdada ku saabsan iyada oo la arkayey isaga oo bastoolad madow ku taagaya kaameerada sida lagu sheegay qoraalka dacwadda. 

28Kii Abriil saraakiishu waxa ay ka heleen gaariga la tuhunsan yahay St. Paul, iyaga oo arkay Carson oo galay gaariga ka dibna dhaqaaqay.  Booliska ayaa daba galay ka dibna joojiyey gaariga, halkaas oo ay ka heleen Carson oo kaligiis gaariga saarnaa.   Markii la xiray ka dib, Carson waxa uu qirtay inuu heystay hub, kaasoo ay boolisku ka heleen jeebka funaanad koofiyad oo uu xirnaa, sida lagu sheegay qoraalka.  

Carson waxa kale oo uu xirnaa dharkii uu xirnaa markii uu geystay burcadnimada hubeysan iyo toogashada.

Ka dib markii loo akhriyey xuquuda dastuurku u ogol yahay, Carson waxa uu qirtay inuu leeyahay bastooladda, laakiin wuu inkiray inuu ku lug lahaa shilka dhacay.   Dambi baarayaashu waxa ay u sheegeen in burcadnimada hubeysan iyo toogashada fiidiyoow laga duubay, ka dib Carson waxa uu weydiistay in cadeyn la tuso taasoo la tusay muuqaal laga soo qaaday fiidiyoowga laga duubay, sida lagu sheegay qoraalka dacwadda.      Carson ka dib wuu qirtay inuu geystay.

Shan qolofta rasaasta ah ayaa laga helay goobta uu shilku ka dhacay, iyada oo dambi baarayaashu baaritaan ku sameeyeen qolofka rasaasta in ay la mid yihiin rasaasta bastooladda Carson watay.   

Carson horey ayaa laba jeer oo hore dambiyo loogu helay. 10kii Luulyo  2010 burcadnimo hubeysan oo darajada koowaad ah iyo 25 Janaayo 2015 darajada sadexaad ee iibinta maandooriyayaasha.