Two men to be sentenced for March 2019 fatal shooting

Wednesday,

Guji halkan si aad u akhriso war saxaafadeedka oo ku qoran Af Soomaalia

Two Somali men, one affiliated with the Somali Outlawz gang, the other related to some members of the gang, will be sentenced for a fatal shooting in March 2019 outside a Cedar-Riverside restaurant, the Hennepin County Attorney’s Office announced Wednesday.

On Jan. 25, after a trial that took seven days, the jury deliberated for one day and found Omar Hassan, 23, of Minneapolis, was guilty of premeditated first-degree murder for the shooting death of 17-year-old Abdiwasa Farah on March 1, 2019. He was also convicted of attempted premeditated first-degree murder for shooting another man that same night. That victim was paralyzed as a result of the shooting.

On Feb. 1, Hassan is expected to receive a mandatory life sentence in prison for the first-degree murder conviction.

Co-defendant Abdilahi Ibrahim, 23, of Minneapolis, pleaded guilty Jan. 19 to intentional second-degree murder for the death of Farah after opening statements were made in his trial. Ibrahim, a known Somali Outlawz gang member, is expected to receive 330 months at his sentencing Jan 27.

Hassan and Ibrahim fled Minneapolis after the shooting. Hassan was apprehended in Kenya by US Marshalls in July 2019, while Ibrahim was found in Texas in the spring of 2019.

Upon extradition to Minnesota, a Hennepin County Grand Jury indicted Hassan and Ibrahim Aug. 22, 2019 on a slew of charges.

According to the criminal complaints and court testimony, on March 1, 2019, just before midnight, Minneapolis police responded to shooting that occurred in the parking lot outside of the Red Sea Bar and Restaurant, 320 Cedar Ave. S. As paramedics were driving to the area, they were flagged down by the driver and passenger of a Toyota Camry.

Medics got out of their vehicle and approached the sedan, noting a male Somali victim, Farah, in the back seat with no pulse. He had been shot twice in the head and seven times in the back. Another male victim was in the back seat and was transported to HCMC. Several bullet wounds to his spine has left him paralyzed. A third victim of the shooting was found at a different hospital.

In surveillance footage from the restaurant, the three victims are seen sitting in the parked Camry just before midnight. A Chevy pulled up behind the car, Hassan and Ibrahim get out, walk towards the Camry and began shooting.

Investigators were able to eventually identify Hassan and Ibrahim after learning of two shootings on March 1, 2019 which also had Somali victims: one at Karmel Mall at 9:17 p.m. and the other at 2910 Pillsbury Ave. at 9:30 p.m.

Investigators were able to speak with the victim from the Karmel Mall shooting who thought he was targeted by members of the 1627 Boys Street Gang, since some believed he was a member of the Somali Outlaw gang, the complaints state.

When police learned that the victim of the 2910 Pillsbury Ave. shooting was at HCMC, they watched surveillance footage from the hospital from the time the victim arrived until shortly before the shooting into the Camry. The video showed two men dressed identically to the two gunmen outside of Red Sea Bar and Restaurant. The footage also showed the two get in a car of the same make and model as the Chevy around 10:30 p.m.

While at HCMC, police body camera footage captured one of the men say that his name was Omar Hassan and that he was the cousin to the victim of the Karmel Mall shooting. With a name, investigators were able to trace Hassan’s cell phone records which placed him at HCMC around 10:30 p.m., and at 320 Cedar St. at 11:52 p.m.

Over time, investigators developed leads that one of the shooters in the restaurant parking lot went by the street name “FME.” A victim of a shooting that occurred Feb. 19, 2019 informed police that the shooter was Farhan Ibrahim. He is a known member of the Somali Outlawz gang, and the brother of Abdilahi Ibrahim, who had rented the car Farhan used in the Feb. 19 assault. When the victim was shown a still image of Abdilahi Ibrahim from the March 1, 2019 HCMC footage, he was able to I.D. him.

Omar Hassan Criminal Complaint (PDF)

Abdilahi Ibrahim Criminal Complaint (PDF)

----

Laba nin oo asalkoodu Soomaali yahay, oo mid ka mid ah uu ka tirsan yahay kooxaha rabshadaha geysta ee Somali Outlawz gang, kan kale uu ka tirsan koox kale, ayaa lagu xukumayaa dil arxandaro ah oo bishii Maarso 2019kii ka dhacay dibadda makhaayada Cedar-Riverside, sidaas waxaa ku dhawaaqay Xafiiska Xeer Ilaalinta ee Degmada Hennepin.  

25Kii Janaayo ka dib dhageysi maxkamadeed oo socday muddo todobaad ah ayaa xeerbeegti ka dooday dacwadda muddo maalin ku go’aan ay u dhan yihiin ku gaareen in Omar Hassan, 23 jir deggan Minneopolis uu dil la soo qorsheeyey oo ah darajada 1aad u geystay Abdiwasa farah oo 17 jir ahaa 1dii Maarso 2019.  Waxaa kale oo lagu helay inuu geystay isku day dil la sii qorsheeyey isla habeenkaas ee nin kale.  Dhibanaha waxa uu noqday naafo taasoo ka dhalatay toogashada loo geystay. 

Waxaa la filayaa in Hassan lagu xukumo xabsi daa’in 1da Febraayo dilka darajada koowaad ah ee lagu helay. 

Qofka kale ee dambiga la galay Abdilahi Ibrahim, oo 26 jir ah, degan Minneapolis, waxa uu qirtay bishii 19 Janaayo in uu geystay dil toogasho oo darajada labaad ah ee dhimashada Farah ka dib markii ay maxkamaddu bilaabatay.   Ibrahim, oo xubin ka ah kooxaha rabshadaha geysta ee Somali Outlawz gang, waxaa la filayaa in lagu xukumo 330 bilood marka la xukumo 27ka Janaayo. 

Hassan iyo Ibrahim way ka baxsadeen Minnepolis toogashada ka dib.  Hassan waxa ay ciidamada US Marshalls ka soo qabteen kenya sanadkii 2019kii hallka Ibrahim xagaagii 2019 laga  soo qabtay Texas. 

Markii lagu soo celiyey Minnesota, Xeerbeegti Sare oo Degmada Hennepin qabatay ayaa 22kii Agoosto ogolaaday dambiyada Hassan iyo Ibrahim lagu soo oogay.   

Sida lagu xusay qoraalka dacwadda iyo markhaatiyaal maxkamadda la hor keenay, 1dii Maarso 2018 wax ka yar saqdii dhexe, booliska Minneapolis ayaa u gurmaday toogasho ka dhacday dibadda Makhaayadda Red Sea, 320 Cedar Ave. S.     Shaqaalaha caafimaadka oo ku sii jeeda goobta, waxaa u gacan haadiyay wadaha gaariga iyo qof rakaab ah oo saarnaa gaari Toyota Camry.

Shaqaalaha caafimaadku waxa ay u yimaadeen gaariga, iyaga oo ku arkay dhibane Soomaali ah, Farah, kursiga dambe oo garaaca wadnuhu istaagay.    Madaxa ayaa laba jeer laga toogtay iyo todoba jeer oo dhabarka ah.   Dhibane kale oo fadhiyey gaariga xagiisa dambe waxaa loo qaaday isbitaalka HCMC.  Dhawr xabadood ayaa kaga dhacay laf dhabarka kuwaas oo ka dhigay naafo.  Qof kale oo dhibane ah waxaa laga helay isbitaal kale.

Kaamarada makhaayadda waxaa laga arkay, sadex dhibane oo ku dhex jira gaari Camry ah oo halkaas la dhigay wax yar hor saqdii dhexe. Gaari Chevy ah ayaa soo daba istaagay, Hassan iyo Ibrahim ayaa ka soo baxay, u soo dhaqaaqay dhinaca gaariga Camriga ah ka dibna ku bilaabay toogasho.

Baarayaasha ayaa awooday inay aakhirkii aqoonsadaan Hassan iyo Ibrahim kadib markay ogaadeen laba toogasho oo dhacday 1-dii Maarso, 2019 taasoo sidoo kale ay ku dhinteen dhibanayaal Soomaali ah: mid ka dhacday Karmel Mall 9:17 pm (habaynnimo) kan kalena 2910 Pillsbury Ave. 9:30 pm (habaynnimo).

Waxaa dambi baarayaasha u suuro gashay in ay wareystaan dhibane toogasho ka dhacday Suuqa Karmel kaasoo loo heystay inuu bartilmaameed u ahaa kooxda rabshadaha geysta ee Wiilasha 1627 (1627 Boys), maadaama ay aaminsanaayeen inuu xubin ka yahay Somali Outlawz gangs, sidaas ayaa lagu cadeeyey dacwada. 

Markii ay boolisku ogaadeen in dhibana toogashada ka dhacday 2910 Pillsbury Ave ku sugan yahay isbitaalka HCMC waxa ay daawadeen kaamarada isbitaalka marka dhibanaha la keenay isbitaalka iyo wax ka yar ka hor toogashada gaariga Camryga ah.    Fiidyoowga waxaa lagu arkayey laba nin oo xiran dhar la mid ah kii ay xirnaayeen labada nin ee toogashada ka geystay banaanka makhaayadda Red Sea. Waxa kale oo fiidyowwga lagu arkayey in labada nin ay soo galeen gaariga qiyaastii 10:30 fiidnimo. 

Intii ay joogeen, HCMC kaamarada booliska ayaa qabatay mid ka mid ah nimanka oo kan kale ugu yeeraya Omar Hassan iyo inuu ilmo adeer la yahay dhibanaha toogashada ka dhacday suuqa Karmel.   Dambi baarayaashu waxa ay awood u yeesheen iyaga oo adeegsanaya magaca in ay dabgal ku sameeyaan diiwaanka telefoonka Hassan kaasoo cadeeyey inuu joogay HCMC 10:30 fiidnimo iyo 320 Cedar St. 11:52 fiidnimo.

Muddo ka dib, waxa ay baarayaashu ogaadeen in mid ka mid ah kuwa toogashada geystay lagu naaneeso “FME.” Dhibanaha la toogtay 19kii Febraayo 2019 ayaa booliska u sheegay in qofka toogashada geystay yahay Farah Ibrahim.    Waxaa la ogsoon yahay inuu xubin ka yahay Somali Outlawz gang, uuna la dhashay Abdilahi Ibrahim, oo soo kireystay gaariga Farhan u adeegsaday dagaalkii 19kii Febraayo.   Markii dhibanaha la tusay sawirada Abdilahi Ibarhim ee 1dii Maarso 219 ee HCMC, waxaa u suuro gashay inuu  aqoonsado.