Brooklyn Park woman charged for shooting and robbing 76-year-old victim

Friday,

Guji halkan si aad u akhriso war saxaafadeedka oo ku qoran Af Soomaalia

A Brooklyn Park woman has been charged for shooting and robbing a woman in her mid-70s as she tried to enter her apartment, the Hennepin County Attorney’s Office announced Friday.

Da'Seanna Williams, 21, faces one count of first-degree aggravated robbery and one count of second-degree assault with a dangerous weapon for shooting and attacking a 76-year-old female who was on her way back from the bank and about to enter her apartment.

Williams will make her first appearance Jan. 8 at 1:30 p.m.

According to the criminal complaint, on Jan. 2, Minneapolis police responded to a shooting that occurred at an apartment on 22nd Street East. There officers found the 76-year-old victim bleeding from her hip and head. Her adult son who lives in the same apartment, told police that she was on her way home from the bank to get money to pay for rent.

The victim informed officers that Williams followed her when she returned from the bank, through the apartment’s parking lot. Williams then entered the apartment building and rode the same elevator with the victim up to her apartment, the complaint states.

When the victim and Williams got off the elevator, Williams pulled out a gun and shot her in the hip. Williams proceeded to attack the victim with her gun, hitting her multiple times in the head and stealing her purse, the complaint continues.

The purse was later found outside, but approximately $900 in cash inside was missing. Police also found a discharged casing outside the victim’s apartment, and what appeared to be pieces of a gun.

After additional investigation, and review of surveillance footage from the area, police identified Williams as the robber and assailant. A search warrant was obtained on Jan. 6 by police to search Williams’ apartment in Brooklyn Park. When they arrived, Williams was attempting to flee out the window, but was ultimately stopped, the complaint says.

A gun with apparent pieces missing was found under the mattress during the search of her apartment.

In a statement to police, Williams admitted that she assaulted and robbed the victim.

Criminal Complaint (PDF)
-----

Qof dumar oo deggan Brooklyn Park ayaa lagu soo oogay in ay toogatay oo ay u geysatay burcadnimo hubeysan haweeney da’deedu ka weyn tahay 70 sano ka dib markii ay isku dayday in ay ugu gasho gurigeeda, sidaas waxaa Jimcihii ku dhawaaqay Xafiiska Xeer Ilaalinta ee Degmada Hennepin. 

Da'Seanna Wlliams, 21 jir ah, waxaa lagu soo oogay hal dambi oo burcadnimo hubeysan ah oo darajada koowaad ah iyo hal dambi oo ah dagaal gacan ka hadal ah oo darajada labaad ah ka dib markii ay adeegstay bastoolad ay ku toogatay kuna weerartay haweeney 76 jir ah oo ku socotay gurigeeda ka dib markii ay ka soo noqotay bangiga.

Ina Williams waxaa maxkamadda la hor keenay 8da Janaayo 1:30 duhurimo.  

Sida lagu xusay qoraalka dacwadda, 2dii Janaayo ayaa booliska Minneapolis loogu yeeray toogasho ka dhacday dhisme ku yaala Bariga Wadada 22aad. Halkaas waxa ay saraakiisu kula kulmeen haweeney 76 jir oo dhibane ah oo dhiig uu ka socday sinta iyo madaxa. Wiilkeeda oo guriga kula nool, ayaa askarta u sheegay in haweeneydu ay ka soo noqtay bangiga ka did markii ay ka soo qaadatay lacagtii ay kirada guriga isaga bixin laheyd.      

Haweeneyda dhibanaha ah waxa ay ciidamada nabadgelyada u sheegtay in Ina Williams ay soo daba gashay markii ay ka soo noqotay bangiga, ilaa halka gawaarida la dhigto ee dhismaha. Ka dib waxa ay In Williams soo gashay dhismaha oo iyada oo dhibanaha la soo raacday wiishka ilaa ay ka soo gaaraty qolkii ay ka deganeyd guriga, sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka dawcadda.

Markii ay dhibanaha iyo Ina Williams ka soo baxeen wiishka, Ina Williams waxa ay la soo baxday bastoolad oo dhibanaha sinta ka toogatay. Ina Williams waxa ay weerar ku sii qaaday dhibanaha iyada oo bastoolad ku weerartay dhibanaha, laba jeer madaxa kaga dhufatay nabar oo ka xaday boorsadeeda, sida lagu sheegay qoraalka dacwadda.

Boorsada waxaa markii dambe laga helay dibadda, laakiin waxaa ka maqnaa lacag cadaan ah oo dhan $900 oo boorasada ku jiray. Boliisku waxa ay dibadda qolka dhibanaha ka heleen qolofka rasaasta iyo wax u eg qeybo bastooladda ka mid ah.

Baaritaan dheeraad ah ka dib, iyo markii dib loo eegay kaamarada dhismaha, boolisku waxa ay aqoonsadeen Ina Williams in ay tahay qofka geystay burcadnimada iyo dagaalka gacan ka hadalka ah. Ciidamada booliska oo heysta ogolaashaha maxkamadda ayaa 6dii Janaayo baaritaan ku sameeyey guriga Ina Wiliams ee Brooklyn Park. Markii ay soo gaareen guriga waxa ay Ina Williams isku dayday in ay ka baxsato ciidamadda oo daaqadda ka boodo, laakiin ugu dambeyntii gacanta ayaa lagu dhigay, sida lagu sheegay qoraalka dacwadda.

Bastoolad ay qeybo ka mid ah ka maqan yihiin ayaa laga helay joodari hoostiis ka dib markii ay la baaray gurigeeda.

Hadal ay la hadashay booliska, Ina Williams waxa  ay qiratay in dagaal gacan ka hadal ah iyo burcadnimo ay u geysatay dhibanaha.