Bloomington man charged in death of girlfriend

Wednesday,

Guji halkan si aad u akhriso war saxaafadeedka oo ku qoran Af Soomaalia

A Bloomington man has been charged for murdering his girlfriend at their residence, Hennepin County Attorney Mike Freeman announced Wednesday.

Nasri Ahmed Abdilahi, 23, was charged with intentional second-degree murder for killing his girlfriend at their residence in an apartment complex in Bloomington. He also faces one count of fleeing a peace officer.

Abdilahi is scheduled to make his first appearance Sept. 30 at 1:30 p.m.

According to the criminal complaint, on Sept. 27 around 9:45 a.m., Bloomington police went to Nicollet Court Apartments upon reports of a female body being dragged and thrown in a dumpster.

When they arrived, multiple witnesses directed police to the dumpster, where they found a trail of blood leading up to it. The deceased female victim’s body was found inside with blunt force injuries to her face and upper body, the complaint continues.

A medical examiner would also tell officers that she had stab wounds in the neck.

A witness and resident of the apartment complex spoke to officers and told them she saw Abdilahi from out her window, dragging a body through the parking lot and dropping the body into the dumpster. She also pointed out Abdilahi in his vehicle as he drove by to officers, the complaint states.

Additional witnesses who handle maintenance for the building said they heard a loud “thud” and another witness screaming about the victim being dragged to the dumpster. Others also told police that around 9:00 a.m., screams from the victim could be heard, but no one saw anything when they looked out from their apartments, the complaint says.

Officers eventually followed the blood trail and drag marks from the dumpster to the victim’s apartment, where they found a substantial amount of blood and knife laying in a pool of blood.

While at the apartment complex, Abdilahi drove by police in his vehicle. They attempted to stop him, but he drove away, not before slamming into a marked police car that was situated at the entrance of the complex. He proceeded to lead police on a high-speed chase, which ended in Minneapolis, the complaint states.

Upon apprehending Abdilahi, officers found him covered in blood. The infant who the victim and Abdilahi had together was also present in the vehicle, the complaint says.

Criminal Complaint (PDF)

-----

Nin deggan Bloomington ah ayaa lagu soo oogay inuu ku dilay gurigeeda haweeney uu saaxiib la ahaa, Sidaa waxaa ku dhawaaqay Arbacadii Xeer Ilaaliyaha Degmada Hennepin Mike Freeman.

Nasri Ahmed Abdilahi, 23, waxaa laguu soo oogay dil bareer ah oo darajada labaad ka dib markii uu si bareer ah dil ugu geystay haweeney ay saaxiib ahaayeen gurigii ay wada daganaayeen oo ku yiil Bloomington. Waxaa kale oo lagu soo eedeeyey inuu ka cararay saraakiisha booliska.

Abdilahi waxaa maxkamadda la hor geynayaa 1:30 duhurnimo ee 30ka Siteembar.

Sida lagu soo bandhigay qoraalka dacwadda, 27kii Siteembar qiyaastii 9:45 aroornimo, Ciidanka Booliska ee Bloomington ayaa gaaray Guryaha Nicollet Court ka dibna markii la soo gaarsiiyey in meydka qof dumar ah oo dhulka lagu jiiday lagu tuuray haamaha qashinka ee dhismaha.  

Markii ay halkaas soo gaareen, laba qof oo goob joog ahaa ayaa booliska u tilmaamay haamaha qashinka, halkaas oo ay ku arkeen dareerka dhiig la galay halka uu meydku yiilay. Haweeneyda la dilay waxaa meydkeeda laga helay gudaha haanta qashinka iyada oo wajiga iyo qeybta sare ee jirkeeda ay ku yaaleen dhaawacyo nabaro ah, sida lagu sheegay qoraalka dacwadda. 

Baaraha meydka waxa uu wargeliyey booliska in qoorta haweenka ay ku yaalaan dhaawac ka soo gaaray middi la geliyey. 

Qof goob ahaa iyo oo deggan guryaha ayaa booliska u sheegtay in ay daaqadda gurigeeda ka aragtay Abdilahi oo jiidaya meydka oo la dhex maraya goobta gaadiidka la dhigto kuna riday haanta qashinka. Waxa kale oo ay u tilmaantay booliska Abdilahi oo gaarigiisa ku dhex jira oo markii dambe ku soo dhaqaajiyey booliska, sida lagu sheegay qoraalka dacwadda.

Markhaatiyaal kale oo goob ahaa oo u qaabilsan dayactirka dhismaha ayaa sheegay in ay maqlayeen  “jug” weyn iyo qeylada qofka goob joogga ah ee meydka dhulka lagu jiidayo.  Dad kale ayaa u sheegay booliska in qiyaaatii 9kii arronimo ay maqleen qeylada dhibanaha, laakiin aanay waxba arag markii ay eegeegeen geesaha guryaha ay degan yihiin, sida lagu sheegay qoraalka dawacadda.

Sarakiishu waxa ay dib u raaceen raadka dhiigga iyo halka lagu jiiday meydka ilaa ay ka gaareen guriga ay daganeyd dhibanaha, halkaas oo ay ku arkeen dhiig fara badan iyo middi dhex taal haro dhiig ah.

Intii ay joogeen dhismaha guryaha, gaari uu waday Abdilahi ayaa ku soo dhaqaaqay booliska.   Waxa ay isku dayeen in ay joojiyaan, laakiin wuu ka cararay, isaga oo duqeeyey gaari booliska ah oo taagnaa albaabka laga soo galo dhismayaasha. Booliska ayaa baacsaday isaga oo ku baxsaday gaarigii uu waday.

Markii Abdilahi gacanta lagu dhigay, saraaiishu waxa ay arkeen in jirkiisa uu qariyey dhiig.  Ilmo yar oo ay Abdilahi iyo haweeneyda dhibanaha ah isu dhaleen ayaa laga dhex halay gaariga sida lagu cadeeyey qoraalka dacwadda.