Hennepin County Attorney's Office response to recent fatal officer involved shooting
1/4/2021
Guji halkan si aad u akhriso war saxaafadeedka oo ku qoran Af Soomaalia.
The Hennepin County Attorney’s Office is aware of the officer involved shooting that occurred December 30, 2020 at a south Minneapolis gas station. The tragic incident has taken the life of another individual in Hennepin County and we extend our sympathies to the victim’s family.
With this being an on-going investigation, our office cannot comment on any part of the case. What we can say is that nothing has been presented to our office by any law enforcement or investigating agency at this time.
Further, it is unlikely this office will be involved at all. On June 29, 2020, five county attorneys from the Twin Cities Metropolitan area signed a protocol on how to handle any police use of deadly force incident resulting in a death of a civilian. Under that protocol, the county attorney’s office in which the deadly force incident occurred will not be involved with the investigation and decisions on possible prosecution of the officers.
Instead, one of the other counties — Anoka, Dakota, Hennepin, Ramsey or Washington — will oversee the case. This protocol was established to mitigate issues that may arise. It is similar to the way other criminal cases are handled when a prosecutor’s office thinks it might have a conflict-of-interest with a defendant, witness or others involved in a case.
To date, the protocol has been invoked twice.
-----
Xafiiska xeer ilaalinta ee Degmada Hennepin waxa ay la socotaa toogasho uu qeyb ka yahay sarkaalka ka tirsan Ciidamada Booliska oo fiidnimadii Diseembar 30, 2020 ka dhacay xarun shidaalka laga iibsado oo ku taal Koonfurta Minneapolis. Dhacdadan naxdinta oo uu qof ku naf waayey waxa ay Degmada Hennepin uga tacsiyeyneysaa qoyskii uu ka geeriyooday qofka dhibanaha ah.
Iyada oo baaritaankan weli socda, xafiiskayagu wax faalo kama bixin karo arrintan. Waxa kaliya ee aan idinla wadaagi karno waa in xafiiskayaga aan weli loo gudbin natiijada baaritaanka dhinaca ciidamada nabadgelyada ama hay’adda sameyneysa baaritaanka.
Waxaa intaas dheer in xafiiskayaga ay u badan tahay inuusan gebi ahaanba ka qeyb qaadan arrintan. 29kii Juun 2020, shan ka mid ah xeer ilaalinta degmooyinka magaalooyinka mataanaha ah ayaa saxiixay qoraal ku saabsan sida loo maamulayo marka ay ciidamadu adeegsadaan awood dheeraad ah oo qof rayid ah lagu dilo. Sida uu dhigayo qoraalkaas, xafiiska xeer ilaalinta ee goobta uu ka dhacay shilka kama qeyb qaadanayo baaritaanka iyo go’aanka laga gaarayo in saraakiisha lagu maxkamadeeyo falka ay geysteen.
Waxaa intaas dheer, in mid ka mid ah degmooyinka kale, — Anoka, Dakota, Hennepin, Ramsey ama Washington — ayaa maamulaya shilka dhacay. Qoraalkan waxaa loogu talo galay in la yareeyo waxyaabaha ka dhalan kara. Waxa ay la mid tahay sida dacwadaha kale ee fal dambiyeedka uu u maamulo xafiiska xeer ilaalinta dacwad aan lagu qaadi karin degmadiisa oo ay ugu waccn tahay masalaxdo iska hor imaanaya ee eedeysanaha, markhaatiyaasha ama dhinacyada kale ee qeybta ka ah dacwadda.
Ilaa inta la ogsoon yahay, qoraalkan waxaa la dhaqan geliyey laba jeer.