Man receives 30 years in prison for running over, killing girlfriend with vehicle
3/4/2021
Halkaan taabo (riix) si aad u aqriso maqaalka oo ku qoran Af-Soomaali
Jordan Jefferson, 30, of Robbinsdale, was sentenced to 30 years in prison after a jury found him guilty of second-degree murder and two aggravating factors in the death of his girlfriend, the Hennepin County Attorney’s Office announced Thursday.
Jefferson was sentenced Wednesday for running over and killing his girlfriend with her vehicle in May 2020 after physically assaulting her inside the vehicle. In addition to the second-degree murder conviction, Jefferson was also convicted of two counts of felony domestic assault for assaulting his girlfriend and another female victim.
At sentencing, Judge Martha A. Holton Dimick agreed with the jury’s finding of aggravating factors and concluded that the victim was treated with particular cruelty involving a gratuitous infliction of pain, and cruelty and indifference to human life. This resulted in Jefferson receiving a sentence of 360 months in prison, which went above the sentencing guidelines.
Also at the sentencing, Jefferson admitted to killing his girlfriend. However, during the trial, Jefferson testified and adamantly denied he murdered the victim. During his testimony at trial, Jefferson not only denied running over the victim with her vehicle but blamed his best friend for the victim’s death. The judge informed Jefferson that she found his attempt to accept responsibility and show remorse only after being convicted by the jury as manipulative and insincere.
Victim impact statements were also read by the victim’s grandmother, mother, and aunt. All of which expressed extreme sorrow for the loss of their loved one.
View the related article.
-------------
Nin reer Minneapolis ah ayaa lagu soo eedeeyey inuu dil toogasho ah ku dilay qof dumar ah Waqooyiga Minneapolis, sidaa waxaa ku dhawaaqay Khamiistii Xafiiska Xeer Ilaalinta ee Degmada Hennepin.
Tyrone Maddox, 40 jir ah, waxaa lagu soo oogay dil bareer ah oo darajada labaad ah ka dib markii uu dil toogasho ah u geystay haweeney dhibane ah 28kii Febraayo. Maddox waxaa kale oo lagu soo oogay dil aan bareer aheyn oo darajada labaad ah isaga oo ku guda jira fal dambiyeed culus, iyo heysasho hub sharci daro ah iyo dambiyo la xiriira hubka. Maddox horey ayaa looga mamnuucay hubka ka dib markii lagu helay dambiyo la xiriira fal dambiyeed rabshado wehliyaan.
Maddox waxaa maxkamadda la hor geynayaa maanta 1:30 duhurnimo.
Sida ku xusan dacwada dambiyeed, 28-kii Febraayo markay ahayd 6:22 Subaxnimo, Booliska Minneapolis ayaa tagay 3214 Waqooyiga wadada Logan halkaas oo laga sheegay toogasho ka dhacday. Markii ay halkaas soo gaareen, saraakiishu waxa ay ku arkeen qof dumar ah oo wajiga dhulka u yaalo oo dhaawac rasaas ah kaga yaalaan caloosha. Waxaa loo qaaday isbitaalka halkaas oo dhaawaca gaaray ay u geeriyootay.
Qof arkayay toogashada ayaa ciidamada u sheegay waxa dhacay, kaasoo tilmaamay nooca gaariga dambiilaha iyo wadaha gaariga. Cajalad fiidiyoow oo ku rakibneyd goobta dhacdadu ka dhacday ayaa duubtay falkaas arxandarada ah.
Gaarigu waxa uu ahaa midabka dameeriga ah nooca Chrysler 300 oo giraanta shaagagu tahay mid madow ah oo istaagay xagga hore ee wadada Waqooyiga Logan. Halkaas oo lagu arkay dhibanaha oo lugeynaya gaarigana u soo socda. Waxaa la arkayay Maddox oo ka soo baxay xagga hore ee gaariga, kuna soo socday dhibanaha gaariga xagiisa dambe. Ugu dambeyntii, waxaa la arkayay dhinabaha oo dhulka ku dhacay, sida lagu qoray dacwadda. Maddox dib ayuu ugu soo noqday gaariga ka dibna isaga iyo wadaha gaariga ayaa ka tagay goobta.
Saraakiishu waxa ay aqoonsadeen wadaha gaariga, kaasoo saraakiisha u sheegay waxa dhacay. Waxa uu booliska u sheegay inuu geeyay goobtaas Maddox, Maddox uu toogtay dhibanaha, qoraalka dacwada ayaa sii socday. Waxa uu waduhu sidoo kale sheegay ka dib markii uu Maddox toogtay dhibanaha, waxa uu wadaha ku maray inuu ka cararo goobta oo ku geeyo meel ka mid ah Minneapolis.
Ugu dambeyntii, boolisku waxa ay gacanta ku dhigeen Maddox isaga oo jooga faras magaalaha meel u dhow isgoyska wadada 9aad iyo Nicollet Mall Markii ay u yimaadeen, waxa uu isku dayey inuu ka cararo, intuu uu baxsanyey waxa uu gaari hoostiisa ku tuuray bastoolad. Maddox waa la qabtay, boostladiina mar dambe ayaa la helay, sida ku xusan qoraalka dacwadda.
Maddox markii hore wuu inkiray inuu dilay dhibanaha, laakiin markii la tusay cajaladda fiidiyoowga ah iyo hadalkii wadaha gaariga, waa uu qirtay inuu dilka geystay oo uu dhibanaha ku dilay bastoolad uu tuuray markii ay ciidamadu isku dayeen in ay gacanta ku dhigaan. Waxa uu intaas ku daray inuu cabsanaa markii uu shilkan dhacay oo uusan bareer u toogan dhibanaha.